Koonfur Galbeed oo maamul cusub u magaacabay degmada Waajid

Maamulka Koonfurgalbeed ayaa xilalkii ka qaaday maamulka degmada Waajid ee gobolka Bakool iyadoo xilalalkaasna loo magacaabay mas’uuliyiin cusub.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta dowlad goboleedka koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi ayaa maamul u cusub u magacaabey degmada Waajid ee gobolka bokool.

Guddoomiyaha degmada Waajid loogu magacaabey Maxamed Yuusuf Cali halka Guddoomiye kuxigeenka koowaad loo magacaabey Mukhtaar Axmed Xasan, halka Guddoomiye kuxigeenka labaad loo Magacaabay Cali Guuraaw Maxamed.

Magacaabista xilalkan ayaa yimid kadib markii uu booqasho ku tegey Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koofurgalbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed.

Halkaan hoose ka aqriso warqada magaacibista;-

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email