Gudoomiye Cumar Filish “Muqdisho waa meesha kaliya ee shanta Soomaali aysan ku dareemin in laga leeyahay”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo maanta ka hadlayay banaan bax lagu taageerayay ansixintii Baarlamaanka ee matalaada Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare ayaa soo dhoweeyay sida ay Baarlamaanka uga jawaabeen in Gobolka Banaadir uu helo matalaad u qalanta.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa sheegay in Caasimadda Muqdisho ay marti gelisay Soomaaliya oo dhan, isagoo u mahadceliyay codsigii Madaxweynaha u jeediyay iyo Baarlamaanka oo ansixiyay xuquuqdii Gobolka Banaadir.

“Baarlamaanku ayagoo dhageystay banaan bixii taageerada ayagoo fahamsan duruufta iyo culeysyada idin gaarka ah aad u dulqaadataan ayagoo fahamsan waqtiga hada lagu jiro ayay biseylkooda siyaasadeed ku ansixiyeen matalaada gobolka banaadir oo aan dhihi karo matalaad u qalanta”ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in kulamo lagu martiqaadayo xubnaha Baarlamaanka ay todobaadkan qaban doonaan, si loogu mahadceliyo taageerada ay siiyeen Gobolka Banaadir.

Waxaa uu sheegay in Muqdisho ay tahay hooyada magaalooyinka Soomaaliya oo dhan iyo magaalada dhammaan dadka Soomaaliyeed oo dhan.

“Muqdisho waa hooyada magaalooyinka Soomaaliya oo dhan, waa hooyada calanka hortiina ka bananaya ee tilmaamaha shanta bixinaya hooyadood waa meesha kaliya ee dadka ku abtirsan shanta Soomaali aysan dareemin in laga leeyahay, lahaansho meesha ay joogaan ha joogeen waa meel ay ayagu leeyihiin inay joogaan, taas ayaa ah mida mudan in lagu qiimeeyo magaalada Muqdisho”ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa xusay in Muqdisho aanay noqon doonin hooyo ilmaheeda caasisa, oo ay noqon doonto hooyada wanaagsan ee nuujisa carruurteeda, ayna barbaariso “Magaalada muqdisho waxay nuujisay carruurteeda shanta soomaaliyeed, weyna barbaarisay, maantana waa hanaqaad”

Banaan bixii maanta ka dhacay fagaaraha Daljirka Dahsoon ayaa waxaa ka soo qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir, Siyaasiyiin, odayaasha dhaqanka iyo dadweyne ka kala socda 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email