Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

Kooxo Burcad Koonfur Afrkaan ah ayaa Gudaha dalkaasi waxaa ay xalay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa dadka Ganacsi ahaan u tegay dalkaas oo muddo ku noolaa,iyaga oo goobta ka baxsaday.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Ibrahim Mohamed Hassan  ayaa xilliga la dilayay waxaa uu ku sugnaa Xaafadda  Samora oo hoos tagta Magaalada Cape Town ee dalkaasi Koonfur Afrika.

Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa gaaray halka uu dilkaka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgal ay ku baadi goobayeen nin ii ka dambeeyey dilkaas,walow aysan ku guuleysan inay qabtaan.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa aad loogu dhibaateeyaa Soomaalida ku nool,waxaana Kooxaha Burcad Koonfur Afrikanka ah ay had iyo jeer u geystaan dil iyo inay boobaan hantidooda.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email