Faahfaahin ka soo baxeysa weerar is-miidamain ah oo AlShabaab ku qaadeen Saldhiga Bacaadweyn

Faahfaahino dheeri ah ayaa ka soo baxaya weerar is-miidaamin ah oo saaka Al-Shabaab ku qaadeen Saldhiga Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21aad ku leeyihiin deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug.

Al-Shabaab ayaa Is-miidaaminta u adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa ay ka soo buuxiyeen.

Wararka ayaa sheegaya in is-miidaaminta loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasoo lagu dhiftay afaafka hore ee koontaroolka ciidanka Xoogga dalka, waxaana la soo sheegayaa inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee qeybta 21aad ayaa sheegaya in Ciidanka ku sugnaa saldhiggaas ay ka hortageen weerarka, isla markaana gaariga inta uusan ku qarxin lagu dhiftay gantaal.

Ugu yaraan labo askari ayaa ku geeriyooday qaraxa, kuwaasoo ahaa askartii ka hortagtay gaariga qaraxa siday.

Sidoo kale Saraakiisha ciidanka ayaa sheegaya in gaariga qarxay ay saarnaayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo doonayay in weerar toos ah ka fuliyaan xerada.

Weerarkan ayaa ah kii u horreeyay ee Al-Shabaab ku qaadaan saldhig Ciidanka xoogga dalka ku leeyihiin Gobolada Dhexe ee Soomaaliya.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email