Duuliye Jabuutiyaan ah oo xabsiga dhexdiisa ka soo diray muuqaal murugo leh

Fu’aad Yuusuf Cali, oo ahaa duuliye ciidan, ayaa u cararay Itoobiya 27-kii bishii Maarso ka dib markii uu dhalleeceeyay “cadaalad darrada ka dhex jirta Milatariga dalkaas,” sida ay qortay warbaahinta RFI oo isaga soo xigatay.

Fu’aad waxa uu ka tirsanaa ciidamada cirka Jabuuti. Muddo toban sano ah, wuxuuna ku “andacoonayaa inuu la kulmay taciddiyo kala duwan iyo cadaalad darro”.

Dawladda Jabuuti ayaa markii dambe soo saartay amar ah in la soo xiro Fu’aad oo Itoobiya ku sugnaa laguna soo wareejiyo.

Horraantii bishii April, xilli uu isu diyaarinayay inuu gudbisto codsi megengelyo ayaa duuliyaha lagu xiray magaalda Addis Ababa.

Waxaa la aaminsan yahay ciidanka sirdoonka Itoobiya in ay ka dambeyeen xiritaanka sarkaalka kadib codsi ka yimid dowladda Jabuuti.

Markey soo shaac baxday in la xiray ayaa waxaa ka billowdey baraha bulshada olale lagu codsanayo in Fu’aad la soodaayo iyo in aan loo gacan galin dowladda Jabuuti balse dowladda Itoobiya ma aysan aqlabin baaqii iyo codsigii loo jeediyey.

Soo musaafurinta khasabka ah ee Itoobiya ee Fu’aad ayaa dhalisay ficillo caro leh oo ka imanaya qurbo-joogta reer Jabuuti, kuwa badan oo ka mid ahna waxayba sheegayaan in duuliyaha uu haslis ugu jiro in lagu dhibaateeyo gudaha waddankiisa.

Dhaqdhaqaaqayaasha xuquuqda aadanaha ee reer Jabuuti iyo siyaasiyiin badan oo ku nool dibadda ayaa dhaleeceeyay ficilka dib u celinta Fu’aad Yuusuf ee Itoobiya ku dhaqaaqday.

Taariikhda Fu’aad oo kooban

Fu’aad wuxuu Bishii October ee 1983-dii ku dhashay Magaalada Jabuuti, gaar ahaan xaafadda Xayaabley, halkaas oo uu ku korey. Wuxuu wax ka bartay jaamacadda jibuuti.

Duuliyahan u xiran dowladda Jabuuti wuxuu dhalay toddobo carruur ah oo kala ah 5 will iyo 2 gabdhood.

  • Ciidammada wuxuu ku biiray 2006, waxaana loo diray dalka Morocco oo uu ku soo qaatay tababarka Duuliye. Afar sano ayuu halkaas ku maqnaa.
  • 2010 wuxuu shaqo ka billaabay xerada ciidammada cirka Jabuuti, waxaana la siiyay xiddig.
  • 2014 waxaa loo diray koonfur Afrika si uu usoo qaato tababar dheeraad oo duuliyanimada. Laba sano ayuu ku maqnaa
  • 2019 ayaa laba xidigle laga dhigay
  • Bishii March 27, ee sannadkan ayuu dhinaca itoobiya u goostay
  • Magangalyo ayuu bishii April weydiistay Itoobiya
  • 15 April Itoobiya waxay ku soo wareejisay Jibuuti
Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email