Dowladda Federaalka iyo madaxda Maamul Goboleedyada oo Internetka kulan ku qaatay

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ka jira ayaa Maanta kulan ku yeeshay Mareegta Internet-ka gaar ahaan aalada Zoom-ka iyo WhatsApp.

Kulankaan ayaa lagu falanqeeyay goobta iyo goorta la qabanayo shirweyne la filaayo inay yeeshaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Gobaleedyada.

Warar la helayo ayaa sheegaya in kulankaas uu shir Guddoomiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi, ayna ka qeyb galeen Madaxweyneyaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Puntland iyo Gobolka Banaadir.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheeagay in kulanka inta uu socday looga hadlay goobta iyo waqtiga la qabanayo shirweyne la filayo inay yeeshaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Gobaleedyada.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Cudurka halista ah ee Coronavirus iyo saameeynta uu geystay Cudurka, maadaama uu siweyn ugu faafay dalka.

Si kastaba Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalmo kahor shir isugu yeeray Madaxda maamul Goboleedyada, si looga wada hadlo hanaanka Doorashada iyo Khilaafyada siyaasadeed ee jira.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email