Dibad bax xoogan oo ka socda Boosaaso

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo kuwaas oo laga helaayo magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in banaan bax cabasho ah ay dhigayaan bulshada ku nool magaaladaas, iyadoo dadka dibax baxaya ay isugu soo baxeen bartamaha magaalada.

Banaan baxayaasha ayaa ka ashtakoonayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland.

Dadka dibad baxaya ayaa ka cabanaya qaabkii loo qeybiyay waaxyaha kala duwan ee magaalada Boosaaso, iyadoo dibad baxayaasho ay xirteen jidadka, iyagoo dhagxaan ku jiray, sidoo kalena taayaro gubay.

Sidoo kale banaan baxayaasha ayaa eedeyn u jeediyay Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayna wasaaradiisa si qaldan u qeybisay waaxyaha ay ka kooban Boosaaso, waxaana ay ku hanjabeen dadweynaha in aysan canshuur bixin doonin.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Bari ayaa ku tilmaamay dadka dibad baxaya inay la mid yihiin kuwa is qarxiya, oo ula jeeday Al-Shabaab.

Muddooyinkii u dambeeyay magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka socday hannaan is bedel dhanka maamulka, iyadoo xaafadaha iyo waaxyaha lakala qeybiyay, waxaa la sheegay in afar xaafadood laga dhigay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email