Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baalle) ayaa loo doortay Guddoomiye kuxigeenka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey Kulanka 75aad 2020/21.

Abuukar Baalle ayaa muddo sanad heyn doona xilkan, isagoo qeyb ka guddoomin doona Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey kulankooda weyn ee 75aad.
Amb. Baalle ayaa Kuxigeen u noqonaya Volker Bozkir oo u dhashay dalka Turkiga oo dhowaan loo doortay Guddoomiyaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobey kulankooda 75aad.
Soomaaliya ayaa ugu dambeysay shir-guddoonka sanadkii 1986-87, waxaana ay ka mid aheyd shir-guddoonka kulankii 41aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey, sidoo kale labo goor oo hore ayay ka mid noqotay Guddoonka Golaha Guud, sanadihii 1963-64 Kulankii 18aad iyo 1979-89 kulankii 34aad.
Horey waxaa xilkan Soomaaliya u soo qabtay
1-1963-64 Dr Xasan Nuur Cilmi
2- 1979-1980 Cabdirisaaq Xaaji Xuseen/ Axmed M. Aadan “Qeybe”
3-1986-87 Cabdullaahi S. Cismaan