Dad Cudurka COVID-19 ugu geeriyooday Somaliland oo la gubay

Warar laga helaayo duleedka Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Maanta lagu gubay Meydadka Dad u dhintay Cudurka halista ah ee COVID-19.

Deegaanka Xeedho ee Waqooyiga Magaalada Hargeysa ayaa la gubay Ajaanib u dhintay COVID-19.

Dhacdada lagu gubay dadkaas ayaa ka dhacday deegaan lagu Magacaabo Xeedho oo ku yaalla Waqooyiga Magaalada Hargeysa, waxaana la sheegay in dadka Meydadkooda la gubay ay lahaayeen kuwo Ajaanib ah oo u dhintay Cudurka.

Sidoo kale shacabka ayaa walaac ka muujiyay Meydadka  dadkii Ajaanibta ahaa ee la gubay, isla markaana  waxaa ay sheegeen falkaas uu ka dhalan karo khatar Caafimaad oo halis ah ku ah noloshooda.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo ay uga hadleyso dadka Ajaanibta ah ee lagu Maanta lagu gubay deegaanka Xeedho ee duleedka Magaalada Hargeysa.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email