Ciidamada Soomaaliya oo dilay sarakiil iyo dagaalyahano Alshabaab ah

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay dileen 13 dagaallame oo ka tirsan Alshabaab kadib dagaal ka dhacay Gobolka Jubbada hoose ee koofurta dalka,  sida uu xaqiijiyay sargaal katirsan militiriga oo la hadlay wakaaladda wararka Shiinaha.

Dagaalka ayaa dhacay Sabtidii aan kasoo gudubnay.

Cali Maxamed oo ah taliyaha qeybta 43-aad ee ciidamada xoogga dalka ayaa Weriyaasha u sheegay in howl-galkaas ay si xirfadeysan u fuliyeen.

“Howl-galku wuxuu ahaa mid laga fuliyay mid laga fuliyay duleedka Afmadow, wuxuuna ahaa iska horimaad toos ah oo u dhexeeyay ciidamadeenna iyo maleeshiyada Al-shabaab,  militiriga dowladda ayaa waxay ahaayeen kuwa dagaalka uga gacan sarreeyay dhinaca kale waxaana ku dilnay 13 ruux oo ay kamid ahaayeen seddex hoggaamiyayaal sare ah oo Al-shabaab ka tirsan “

Wuxuu intaa ku daray in sidoo kale ciidamada dowladda ay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad ciidan oo ay ka furteen dhinacii kale ee la dagaallamay.

Dadka tuulada Banka Jira oo ku taalla duleedka Afmadow oo qaar kamid ah la hadlay wakalaadda wararka Shiinaha ayaa xaqiijiyay jiritaanka dagaalkaas.

“Ciidamada ayaa weeraray Al-shabaab oo ku sugnaa deegaankaas,  waxaana maqalnay dhawaqa hub culculs ” ayeey Hinda Aaden oo ah dadka deegaanka u sheegtay wakaaladda wararka u faafisa Shiinaha

07-dii bishan June ciidamada dowladda  ayaa horay u sheegtay in weerar ay ku qaadeen Al-shabaab duleedka magaalada Xudur ee koofur galbeed Soomaaliya ay ku dileen 37 dagaallame.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email