Cabdiraxmaan Faroole oo eedeeyn kulul u jeediye madaxweyne Farmaajo iyo goddoomiye Mursal

Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa waxaa uu ka hadlay go’aankii maalin kahor ay xildhibaanada golaha shacabka ku ansixiyeen metelaadda gobolka Banaadir ee Aqalka Sare.

Senator Faroole oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa waxaa uu kasoo horjeestay go’aankii lagu ansixiyay metelaadda gobolka ee Aqalka Sare looga siiyay 13-xubnood, wuxuuna sheegay in arrintaas uu si adeg uga xun yahay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay go’aanka ansixinta ee metelaadda inuu baalmarsan yahay dastuurka u yaalla dalka, isagoona eedeeyn kulul u jeediyay madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Isaga oo sii hadlaayay Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxaa uu madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiye Mursal ku eedeeyay inay isbaheeysi ka ahayeen sidii loo ansixin lahaa xeerka metelaadda gobolka.

Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa waxaa kaloo uu tilmaamay in Farmaajo iyo Mursal ay jebiyeen Dastuurka dalka, isla markaana Farmaajo uusan aqoosaneyn Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waa sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba hadalka Senator Faroole ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo maalin kahor Xildhibaanada Golaha Shacabka ku ansixiyeen Metelaadda Gobolka Banaadir oo Aqalka Sare laga siiyay 13-xubnood, waxaana arrintaas soo dhaweeyay Mas’uuliyiin badan iyo dadka shacabka.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email