Banaanbax lagu taageerayo ansixintii Mataalada Gobolka Banaadir oo ka socda Muqdisho

Waxaa saaka magaalada Muqdisho ka socda banaanbax lagu taageerayo go’aankii shalay Xildhibaannada Golaha Shacabka ku ansixiyeen matalaada Gobolka Banaadir ee Aqalka sare.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo qaban qaabiyay banaan baxan, waxaana dadweyne u badan haween oo laga soo saaray degmooyinka uu isugu keenay Fagaaraha Taalada Daljirka Dahsoon.

Banaan baxayaasha ayaa wata boorar ay ku qoran yihiin halku dhigyo kala duwan oo lagu muujinayo taageerada Golaha Shacabka ee ansixintii matalaada Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare.

Waxaa la filayaa in banaan baxayaasha uu la hadlo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), si uu ugu hambalyeeyo shacabka Gobolka Banaadir iyo mahadcelinta Xildhibaannada ee Ansixintii Mataalada Gobolka Banaadir.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa shalay kulankii ay yeesheen waxaa ay ku ansixiyeen xeerka Metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare oo laga siiyay 13-xubnood, waxaana arrintaas siweyn u soo dhaweeyay Mas’uuliyiin badan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email