Axmed Madoobe oo qaadacay in loo aqoonsadey madaxweyne ku meel gaar ah

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa qaadacday war saxaafadeedkii ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ee ahaa in Axmed Madoobe u aqoonsatay Madaxweyne KMG ah iyo labo sano oo muddo xileedkiisa yahay, kaasoo ka bilaabanaya maalintii la doortay.

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu caddeeyay in aanay jirin cid go’aan ka gaari karta muddo xileedka iyo doorashooyinka Jubbaland, si aan waafaqsaneyn Dastuurka, isla markaana muddo xileedka hey’adaha loo doorto inay yihiin 4 sano.

Halkan hoose ka akhriso War saxaafadeedka

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email