Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada iyo Maamulka gobolka Banaadir kala saxiixday barnaamij lagu taageerayo danyarta

Xukuumadda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta kala saxiixday mashruuc cusub kaas oo lagu caawinayo dadka danyarta ee ku nool caasimadda.

Wasiir Sadiiq Warfaa iyo Guddoomiye Cumar Filish ayaa wada saxiixay heshiiska.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya Sadiiq Warfaa Xersi iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta Muqdisho ku kala saxiixday mashruuc lagu caawinayo dadka danta yar ee ku nool caasimadda.

Mashruucan ayaa qeyb ka ah barnaamijka Baxnaano ee uu maalgelinayo Bangiga Adduunka, kaasoo loogu tala galay qoysaska danta yar.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada Sadiiq Warfaa oo Duqa Muqdisho ku soo dhoweeyay xafiiskiisa ayaa sheegay in Mashruucan la soo marsiiyay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, isla maantana uu ku wareejiyay Maamulka Gobolka Banaadir si loogu taakuleeyo dadka aadka u nugul ee ku nool gobalka Banaadir.

Guddoomiyaha gobobalka Banaadir Cumar Filish oo ka mahadceliyay soo dhaweenta Wasiirka ayaa sheegay in mashruucan ay ku wareejin doonaan dadkii loogu talagalay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email