Xanuunka COVID-19 oo ku dhacay shan milyan oo qof iyo xaalka aduun oo sii xumaaday

Sida ay baahisay Jaamacadda Johns Hopkins, oo uruurisa xogta COVID-19 ayaa sheegtay in tirada dadka qaba ee Coronavirus ay gaartay 5 milyan oo ruux guud ahaan caalamka, sidoo kale 328,000 oo ruux ayaa u dhimatay xanuunkan. Iyadoo ku dhowaad 1.9 milyan oo qof ay ka bogsoodeen.

Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ee WHO ayaa xaqiijisay in 106,000 oo kiisa guud ahaan caalamka laga diiwaan geliyay waana tiradii ugu badneyd oo maalin la soo wariyo, taas oo walaac hor leh abuureysa maadaama COVID-19 uu ku faafayo dalalka saboolka ah.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email