Xaaladaha xanuunka Coronavirus ee Magaalada Muqdisho oo hoos udhac ku yimid

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwan geliyay 22-kiis oo cudurka Covid-19 ah.

War kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in 14 kiis laga helay Somaliland, Gobolka Banaadir 5, Jubbaland 1-qof, Koofur galbeed 1-qof, iyo Hirshabeelle oo 1 ruux laga helay taasoo caddeyneysa in gobolka Banaadir tirade cudurka uu soo ridanayo ay hoos u dhacday halka uu kusii fidayo gobolada dalka.

Wasaaradda ayaa xustay in 18 ruux ay ka bogsatay cudurka 1 ruuxna uu u geeriyooday.

Tirada guud ee kiisaska cudurka ayaa gaartay 1,711(kun toddobo boqol iyo kow iyo toban), waxaa ka bogsaday 253 (laba boqol konton iyo saddex) halka ay u geeriyoodeen 67 ruux.

Balse bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa 2 bilood ee la soo dhaafay in xoogaa ah yareeyay is dhexgalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay u dabaal dagayay faraxada ciida taas oo la arkayay dadka oo raxan raxan u socda iyo is dhexgal balaaran.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email