Weerer sababay dhimasho iyo dhaawac oo lagu qaaday ciidamada Puntland

Faahfaahin dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland lagu qaaday xili ay ku sugnaayeen saldhiga Balli Khadar ee gobolka Bari.

Dagaal kooban ayaa la sheegay in uu dhexmaray ciidamada Daraawiishta Puntland ee saldhigaasi ku sugan iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab oo weeraray.

Waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in weerarkaas ay ku geeriyoodeen laba askari oo ka tirsan ciidamada Puntland mid kalena uu ku dhaawacmay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee saldhiga soo weeraray ay iska difaaceen, isla markaana ay ka dileen saddex qof oo ka tirsanaa.

Al-Shabaab iyo Daacish ayaa mararka qaar waaxa ay weeraro toos ah iyo mid qaraxyo loo adeegsado ka fuliyaan deegaano ka tirsan Puntland.

Weerarkaan ayaa ku kusoo aadayaa maalin kadib markii maamulka Puntland ay soo bandhigeen rag ay sheegeen inay ka tirsanaayeen kooxda Daacish iyo waxyaabaha qarxa oo ay rabeen in ay wadada ku aasaan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email