Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo shaaciyay in qof kasta oo dhinta ay u aqoonsanyihiin inuu dilay xanuunka Covid-19

“Dowladda Soomaaliya waxay maanta u aqoonsan tahay qof kasta oo dhinta Coronavirus inuu dilay.”- Wasiir Maareeye

Iyada oo sarre u kac xoogan laga dareemayay maalmihiin u dambeeyay buux dhaafka qabuuraha dadka lagu aaso guud ahaandalka iyo magaalada Muqdisho ba’ ayaa Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay maanta u aqoonsan tahay qof walba oo dhinta inuu dilay Coronavirus, iyadoo hadalkan hadalkaan dhaliyay muran aad u xoogan.

Dad kala duwan ayaa si aad ah uga falceliyay hadalka Wasiirka baraha bulshada, iyagoo ku tilmaamay mid aan ka fiirsi laheyn.

“Mid wuxuu dhahayaa malaariyo u dhintay, cagaar-show ayuu u dhintay, waxba kama jiraan, dowladda Soomaaliya waxay maanta u aqoonsan tahay qof kasta oo dhinta Coronavirus inuu dilay, markii laga baxo halkii caada ahaa halagu noqdo, waxba yaa been la sheegin, qandhada oo dhami waa Coronavirus, dadka waxaa leenahay qof qandheysan halaga dheeraado”ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Hadalka Wasiirka ayaa u muuqda mid bannaanka soo dhigaya warar soo baxayay oo ahaa in dowladdu aanay si sax ah u soo bandhigin dadka u dhinta Covid-19, xitaa dadka caadiga ah ugu geeriyooda Isbitaalada in dowladdu ku xisaabiso inuu Corona u dhintay.

ka gadaal markii ay dowladdu ay u sameysay bar gaar ah oo lagula tacaalo sdioo klaana lagu hubiyo dadka uu soo rito, iyo dadka u dhinta xanuunka Coronavirus waxaa isa soo tarayay shakiyo kala duwan oo ah in dowladdu Cudurkan ka dhiganeyso mashruuc ay taageero dhaqaale ku raadineyso, maadaama aan si waaqic ah loo wajahin cudurkan wax ka qabashadiisa, shaqsiyaadka loo xilsaaray ay yihiin kuwo ugu shaqeynaya qaab NGO, waxaana dhammaan howl kasta oo arrimaha COVID ku saabsna uu ku soo uruuray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo kala wareegtay wasaaraddii Caafimaadka oo howshan marti ka ah.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email