Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Soomaaliya oo been abuur ku tilmaamay hadalkii Wasiir Maareeye

“Xaqiiqda dhimashada cudurka COVID-19 waa tiradii aan shaacinay,”- Wasiir Maxamed Saciid

Hadal uu ka dhawaajiyay wasiirk ka tirsan xukuumada Soomaaliya oo dhaliyay buuq badan ayaa Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Soomaaliya Maxamed Saciid C/llaahi uu sheegay in hadalka ka soo yeeray Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ee ahaa in qof kasta oo geeriyooda ay dowladda u aqoonsan tahay inuu u dhintay Coronavirus uu yahay mid aan xaqiiqo aheyn.

Wasiirka ayaa sheegay in warbixinadii Wasaaradda Caafimaadka ka soo baxay uu ahaa mid cilmi ku dhisan oo ku yimid baaritaan ay sameysay wasaaraddu.

“Anagu warbixinadii aan baahinay waxay ahaayeen kuwo ku yimid baaritaano aan sameynay, xaqiiqda dhimashada cudurkaasna waa tiradii aan shaacinay, laakiin waxaan lee nahay, waxa la sheegayo waa inay cilmi ku dhisnaadaan oo baaritaan ku cadaadaan”ayuu yiri wasiir kuxigeenka Caafimaadka Maxamed Saciid C/llaahi.

ka gadaal, hadalkii ka soo yeeray Wasiir Maareeye kaas oo dhaliyay dood badan, ayaa durba bulshada waxaa shaki geliyay warbixinada dowladda ka soo saarto arrimaha COVID-19 in uu yahay mid aan xaqiiqda ku dhisneyn, isla markaana warbixinada dowladda ay noqon karto mid shacabka aysan kalsooni badan ku qabi karin, maadaama dowladdu ay kala hadleyso.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email