Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Shacisay in ay Diiwaan- Gelisay Xaalado Cusub oo Coronavirus ah

“24 Saac ee ugu dambeysay waxaa la diiwaan geliyay 34 xaalado cusub oo COVID-19. Waxaa bogsatay 17 qofood, waxaana geeriyooday 3 bukaan.”- Wasiir Fowziya Abiikar

Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona waxay ku xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay 34 xaalado cusub oo COVID-19. Waxaa cudurka ka bogsooday 17 qofood, waxaana geeriyooday 3 bukaan.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in 26 kamid ah bukaannada la xaqiijiyay ay rag yihiin halka 8-da kale ay yihiin haween.

27 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, 7 kalana waxay ku suganyihiin deegaannada dowlad gobaleedka Puntiland.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan gelisay ayaa gaartay 756, waxaa bogsootay 61 Ruux. 35 ruux oo kale ayaana u geeriyooday.

Wasiir Fowziya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday mawaadiniinta Soomaaliyeed guud ahaan inay qaataan talooyinka caafimaad iyo wacyi gelinta looga digayo qatarta cudurka, qaybta uga aadanna ay ka qaataan dadaallada kahor tagga iyo xakeynta Feyruska Karoona.

Halkaan hoose ka daalaco sawirada shirkii jaraa’id ee maalinlaha ahaa ee Wasaaradda Caafimaadka;

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email