Xaaladda cudurka Coronavirus ee Soomaaliya iyo wararkii ugu dambeeyey

Xorroyi Online: Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 38 xaalado cusub oo COVID-19 ah. 12 qofood ayaa ka bogsootay cudurka hal ruux ayaana u geeriyooday.

“38 xaalado cusub oo COVID-19 ah ayaa la diiwaan geliyay 12 qofood ayaa ka bogsootay cudurka hal ruuxna waa uu geeriyooday.”- Wasiir Fowziya Abiikar

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (35) iyo Somaliland, (3). 30 kamid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag 8-na waa haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan gelisay ayaa gaartay 873 waxaa bogsootay 87 Ruux. 39 ruux oo kale ayaa u geeriyooday.

Dowladda oo dadaal xoogan ugu jirta xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona ayaa ku howlan sare u qaadidda awoodda dowlad gobaleedyada ee la tacaalidda cudurka.

Xorriya.com kala soco warar iyo warbixinno xaqiiq ah

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email