Warbixin: Turkiga oo sheegay in dowladda Imaaraadka si cad u taageerto Al-Shabaab

Xorriya Online: Bayaan Khamiistii ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Turkiga ayaa eedeymo kulul loogu jeedisay dowladda Imaaraadka Carabta. Eedeymaha loo jeediyey Imaraadka ayaa ah taageeridda argagixisada caalamiga ah, shirqoolada dilka iyo afgambiga ah iyo ku xadgudubka iyo jabinta sharciyada iyo heshiisyada caalamiga ah.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga, Hami Aksor. Photo: hurriyet

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga Hami Aksor ayaa sheegay in Imaaraadka si aan qarsoodi aheyn u taageero kooxda Argagixisada Al-Shabaab ee ka dagaalanto gudaha dalka Soomaaliya.

Warka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga laguma sheegin nuuca ay tahay taageerada ay Imaaraadka Carabta siiyaan maleeshiyaadka AlShabaab.

Qaraxii Soobe oo ah kii ugu weyna ugu qasaarah badnnaa ee Soomaaliya ka dhacay. Alshabaab ayaa ka dambeeye. 14 0ctober, 2017

Dad badan oo Soomaali iyo Ajaanib ayaa aaminsan in Alshabaab ay helaan taageero milateri iyo mid maaliyadeed, laakiin illaa iyo hadda lama oga halka ay ka helaan iyo meesha loo soo mariyo taageerada.

Marka laga soo tago eedeynta Turkiga u jeedisay boqortooyada Imaaraadka inay Al-shabaab taageerto, ma jiraan warar ka madax bannaan oo xaqiijin kara arritaan ama caddeymo loo hayo toona.

“Ficillada uu maamulka Imaaraadka Carabta khalkhalka ku galinayo nabadda, amniga iyo xasiloonida ma aha kaliya kuwo uu ka wado Liibiya balse waa kuwo uu sidoo kale ka wado Yemen, Suuriya iyo guud ahaan gobolka oo uu ka mid yahay Geeska Afrika, arrintaasina waa mid ay si fiican uga warqabto beesha Caalamka. Waxaa kale oo aan sir ahayn taageerada ay dowladda Imaaraadka siiso ururrada argagixisada, gaar ahaan Al-Shabaab iyo waliba kooxaha gooni u goosad doonka ah ee Yemen”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay dowladda Turkiga.

Turkiga ayaa sheegay in Imaaraadka taageero kooxda goono u goosata Waqqoyiga dalka Yemen, kuwaas oo rabo ay sameystaan dal goono iyo dowlad ka baxda banaan dowladda Yemen uu hoggaamiyo madaxeyne CabduRabbi Mansuur Haadi.

Madaxweyanha Yemen, CabduRabbi Mansuur Haadi

Dowladda uu hoggaamiyo CabduRabbi Mansuur Haadi ayaa waxaa saldhig u ah dalka Sacuudi Carbiya, maadaama ay caasimad dalka la wareegeen kooxda Xuutiyiinta ee Shiicada ah.

Imaaraadka Carabta ayaa taageera Col. Khalifa Haftar oo ku kacsan dowladda Qaramada Midoobey aqoonsan tahay ee dalka Liibiya. Halka Turkiga si weyn u taageersan yahay. Liibiya waxaa ku sugan ciidamda iyo tababarayaal ka socdo dowladda Turkiga, kuwaas oo ka caawiyo sidii ciidamada Liibaya uga adkaan lahayeen taliya fallaagada noqday iyo ciidamadiisa.

Taliya fallaagada noqda ee dalka Liibiya, Khalifa Haftar

Hadalka kasoo baxay Turkiga daba socday war-saxaafadeed kasoo baxay Imaaraadka oo looga dalbaday dhinacyada isku haya Liibiya inay u hoggaansamaan hannaanka siyaasadeed ee ay waddo Qaramada Midoobay, si loo soo afjaro dagaalka. Laakiin warkaas ayaa ammaan loogu jeediyay garabka milatari ee uu hoggaamiyo Janaraal Kahliifa Xaftar.

Janaraal Kahliifa Xaftar ayaa teegeero militiri oo xoogan ka helo dalal badan oo ay ka mid yihiin Faransiiska, Ruushka, Imaraadka, Sacuudiga, Masar iyo qaar kale oo badan oo ka tirsan Reer Galbeedka iyo Carabta.

Waxaa kale oo ay Dowladda Imaaraadka war-saxaafadeedkaas ku cambaareysay faragalinta milatari ee uu Turkiga ku sameeyay Liibiya iyo inuu horboodayo dowladda ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay.

Bayaanka Imaaraadka Carabta ee ku aaddanaa Liibiya si toos ah looguma soo hadal qaadin go’aankii uu Janaraal Khaliifa Xaftar Isniintii ugu dhawaaqay in ciidamadiisu ay la wareegi doonaan maamulka Liibiya.

Turkiga ayaa ugu baaqay Imaaraadka in ay ka waantoobaan siyaasadda ku dhisan qarribaadda, duminta iyo labo wajiilaninmada.

Dagaalka xagga afka ah ee u dhaxeeya dowladaha Turkiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa sii xoogeysanaya, waxayna labada waddan ku kala aragti duwan yihiin arrimo ku saabsan goblka Bariga dhexe iyo Afrika.

Turkiga iyo Imaaraadka ayaa isku khilaafsan arrimo badan oo ay ugu horreyso siyaasadda gobolka Bariga dhexe, waxayna labada xukuumadood la kala safan yihiin dhinacyada is haya.

Xorriya Online kala soco warar iyo warbixin xaqiiq ah

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email