Warbixin: Ciidamada Itoobiya oo qirtay inay soo rideen diyaaraddii African Express

Xorriya Online: Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa qirtay inay toogteen diyaarad xamuul ah oo ay laheyd shirkadda diyaaradaha ee African Express.

Ciidamda ayaa diyaaradaan ku soo diray magaalada Bardaale ee gobolka Baay ay hoostagga maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Diyaaraddaan oo la soo riday Isniintii oo ay taariikhdu aheyd May 4, 2020 ayaa waxaa ku dhintay lix qof oo kala ahaa Soomaali iyo Kenyan.

Warqad kasoo baxday taliska Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in taliska AMISOM uusan wax lug ah ku laheyn diyaaradii gargaarka siday ee dhawaan lagu soo riday degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Warqad loo diray Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in diyaaraddaasi ay soo rideen Ciidamo aan qeyb ka aheyn AMISOM oo ku sugan degmada Bardaale ka dib markii ay dareemeen cabsi ku aadan in diyaaradda ay beegsato Saldhigooda.

Xorriya.com kala soco warar iyo warbixinno xaqiiq ah

Warbixinta ayaa lagu muujiyay in sababta loo soo riday diyaaradda inay aheyd shaki laga qabay inay is qarxiso iyo xiriir la’aan.

AMISOM waxa ay cadeysay in diyaaraddaasi la toogtay falkaasna ay ka dambeeyeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Bardaale.

Ugu dambeyntii Warka ayaa lagu xusay in haddii aan la toogan laheyn diyaaradda soo dhici laheyd maadaama lugaha diyaaradda ama shaagga aanu diyaar aheyn xilligii ay diyaaradda caga dhigan laheyd.

Garoonka diyaaraddaha Bardaale ayaa waxaa ku sugan Ciidamo Itoobiyaan ah oo aan qeyb ka aheyn taliska AMISOM.