Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya madaafiic hoobiyeyaal oo lagu weeraray Xerada Xalane

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya madaafiic hoobiyeyaal ah oo lagu weeraray Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Xerada Xalane ayaa saldhig u ah ciidada AMISOM, safaaradaha shisheeye iyo xafiiska Qaramada Midoobe ee Soomaaliya.

Hoobiyeyaashan ayaa waxaa lagu sheegay inay gaarayeen illaa Saddex Hoobiye oo gudaha Xalane ku dhacay, sida ilo wareedyo ku sugan garoonka Aadan Cadde ay sheegayaan.

Dhawaqa hoobiyeyaashan ayaa la maqlay waxyar kadib markii la afuray, lamana oga jiho ahaan meesha laga soo tuuray.

Al-Shabaab muddooyinkan dambe waxa ay culeyska saareen inay Madaafiic ku garaacaan Xerada xalane. Waa markii labaad ee muddo labo todobaad gudahood ah ee hoobiyeyaal lala beegsado xerada Xalane.

Saraakiisha ammaanka dowladda Federalka wali kama aysan hadlin Madaafiicdaan lagu garaacay Xerada Xalane oo ah Taliska ciidamada Midowga Afrika AMISOM.

Illaa hadda lama oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Saddexdaan hoobiye ee ku dhacay gudaha Xerada Xalane ee Muqdisho.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email