Wafdi heer wasiiro ah, Safiirada Keenya iyo Itoobiya oo booqasho ku tagay goobtii ay ku burburtay diyaaradda

Wafdi isku dhafka ah ayaa ka qeyb qaadanaya baaritaanka shilka diyaaradda.

Ka gadaal burburkii diyaaradda laga lahaa dalka keenya ee shalay ku burburtay gudaha Soomaaliyaayaa durba dhalisay qilaaf horleh oo u dhaxeeyay Dowladda Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar, Wasiirka Gaadiidka ee Koofur Galbeed, Safiirada Itoobiya iyo Kenya ayaa maanta booqday goobtii ay ku burburtay diyaaraddii African Express.

Diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ayaa Mas’uuliyiintan ka qaaday Muqdisho, iyagoo noqday Mas’uuliyiintii u horreeyay ee taga goobta diyaaradda ku burburtay.

Mas’uuliyiintan ayaa ka qeyb qaadanaya baaritaanka shilkii diyaaraddii African Express lagu soo riday, sidoo kale waxay la kulmayaan Saraakiisha Ciidamada Itoobiya iyo maamulka deegaanka, si ay uga wareystaan qaabkii shilka u dhacay.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed ayaa laga soo xigtay in diyaaradda African uu haleelay gantaal ay rideen Ciidamada Itoobiya, xilli ay ku guda jireen tababar dabrid ah.

Illaa Lix ruux oo labo Kenyan ah iyo afar Soomaali ayaa ku dhintay shilka diyaaradeed, waxaana diyaaradda ay siday agab caafimaad loogu tala galay COVID-19.

Kenya ayaa ka dalbatay dowladda Soomaaliya baaritaan dhab ah oo lagu sameeyo diyaaraddii la soo riday, waxaana Madaxweyne Farmaajo oo taleefanka kula hadlay Uhuru Kenyatta uu ku casuumay Hey’adda Saadaasha Hawada Kenya inay qeyb ka noqoto baaritaanka.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email