Turkiga oo deeq gargaar caafimaad ah oo baahi weyn loo qabay soo gaarsiiyay Soomaaliya

Qalabka Sheybaarka, Qalabka lagu neefsado, Labiska shaqaalaha caafimaadka ayaa ka mid ahaa Deeqda Caafimaad ee Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa deeq gargaar ah oo caafimaad ooo baahi u qabeyn dadka ugu deeqday Soomaaliya walibana ka soo dajisaday Caasimada Muqdisho.

Wasiirrada caafimaadka, arrimaha dibadda iyo gargaarka ayaa si wadajir ah safiirka Turkiga ee Soomaaliya maanta uga guddoomaya qalab caafimaad oo dowladda Turkiga ay ugu deeqday dowladda Soomaaliya, si ay ugu adeegsato dagaalka loogu jiro xakameynta Faafitaanka COVID19.

Diyaarad siday gargaarkan oo aheyd diyaarad milateri kuwa caafimaadka ayaa saaka soo caga-dhigatay garoonka diyaradaha Muqdisho.

Gargaarka ay dowladda Turkigu soo gaarsiisay dowladda Soomaaliya waxaa ka mid ah qalabka Sheybaarka, qalabka lagu neefsado, Labiska shaqaalaha caafimaadka iyo qalab kale oo muhiim ah oo dhammaan xilligaan loo qabay baahi xooggan.

Wasiirrada ayaa dowladda Turkiga uga mahad celiyay taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la garab taaganyihiin, iyo gurmadka degdegga ah ee xilliyada xaaladaha adag ay soo cusboonaadaan.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa munaasabadda ka sheegay in diyaarado kale oo gargaar caafimaad sida ay maalamaha soo socda soo gaari doonaan magaalada Muqdisho.

Ka hortagista iyo yareynta faafida xanuunka Coronavirus ayay dowladda Soomaaliya xusul weyn ugu jirta iyada oo sidoo kale olole lagu xakemeynayo faafida cudurkaani halista badan.

Halkaan ka daalaco sawirada gargaarka Turkiga ka dajiyen Soomaaliya;

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email