Taliyaha Ciidamda Xoogga Soomaaliya oo gaaray Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage iyo Wafdi Saraakiil ciidan oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowladda goboleedka Galmudug.

Wafdiga Saraakiisha ah oo uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage waxaa ka mid ah Taliyaha Dhowaan loo soo magacaabey qaybta Guud ee Booliska Galmudug Jeneraal Bishaar Abshir Geeddi iyo Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad Jeneral Mascuud Maxamed Warsame .

Muddada uu taliyaha ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb wuxuu kormeer ku sameyn doonaa xeryaha Ciidamada,isagoo dhiiri gelin u sameyn doona cutubyo ciidamo ah oo loo carbiyay Howlgalo la filayo in dhowaan laga bilaabo Deegaanada Kooxda Al-shabaab ay ka joogto Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email