Taliska Ciidanka Xoogga oo ka warbixayay howlgal lagu dilay Sarkaal Al-Shabaab ah

Ciidamada Xoogga dalka ayaa ka warbixayay howlgal ay ciidamada dowlada Soomaaliya ku dileyn sarkaal ka tirsanaakooxda Al-shabaab.

‘Waxaa howl gal lagu dilay Cabdi Muxsin Sheekh Xuseen (Abuubakar) oo Al-Shabaab u qabailsanaa Qoryooley iyo deegaanada hoos-taga.”—– Sareeye Guuto C/xamiid Maxamed Dirir

Taliska ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliyeed ay howlgal ku dilayn Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab iyo maleeshiyo la socotay inta u dhaxeysa deegaanka Janaale iyo degmada Qoryooley.

Taliyaha Ciidanka dhulka ee Xoogga dalka Sareeye Guuto C/xamiid Maxamed Dirir ayaa sheegay  in howlgalka ay ka fuliyeen Ciidanka deegaanka Kabtan-Laas iyo Tuulada Buulo Shiikh oo u dhaxeysa Janaale iyo Qoryooley.

Taliyaha oo wareysi siiyay warbaahinta ku hadasha afka ciidanka ayaa sheegay howlgalka lagu dilay Sarkaal lagu magacaabo Cabdi Muxsin Sheekh Xuseen (Abuubakar) oo Al-Shabaab u qabailsanaa Qoryooley iyo deegaanada hoos-taga.

Waxaa uu sheegay in Sarkaalkas ay la dileen illaa shan xubnood oo kale oo la socday, howlgalkana uu ku soo gabagaboobay sidii loogu tala galay.

Ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Kumaandooska ee DANAB ayaa maalmihii la soo dhaafay howlgallo qorsheysan ka waday deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email