Suxufi Ka Howlgalayay Warbaahinada Gudaha Soomaaliya oo Lagu Dilay Muqdisho

Wariya Siciid Yuusuf Cali oo ka tirsanaa teleefishinka madaxa banaan ee Kalsan ayaa xalay lagu dilay Muqdisho.

Wariya Siciid Yuusuf Cali oo ka tirsanaa teleefishinka madaxa banaan ee Kalsan ayaa xalay lagu dilay magaalada Muqdisho iyadoo dilkiisa loo adeegsaday Tooreey.

Sida wararku sheegayaan Dilka wariyaha ayaa ka dhacay bannaanka dukaan ku yaala Xaafada Sey Biyaano oo gurigiisa u dhowaa, waxaana la sheegay in ninka tooreyda watay uu afar meel mindida ka geliyay, goobta ayuuna ku geeriyooday, waxaana meydkiisa loo qaaday isbitaalka.

Allaha u naxariistee Saciid ayaa Isniintii shalay aheyd warbixin ka diyaariyay daayay Macalin Iskuul oo lagu dilay degmada Afgooye, waxaana goobtiisa shaqo uu ka baxay 2-dii duhurnimo oo uu hoygiisa ku laabtay

Saciid Yuusuf Cali ayaa da’diisa aheyd 30 sanno jir, waxaa uu ifka kaga tagay 2 carruur ah iyo xaas.

Booliska ayaa warbaahinta u sheegay in gacan ku dhiiglihii dilay Wariyaha gacanta lagu dhigay, kuna xiran yahay Xarunta dambi baarista ee CID.

Ma jirto cid sheegatay dilka wariye Siciid Yuusuf Cali balse ururada saxaafadda ayaa si kulul u cambaareeyay dilkan, waxaana ay u tacsiyadeeyeen dhammaan saaxibadiisa iyo ehelkiisa, waxaana dilka Wariyahan ku soo aaday maalin kaddib munaasabadda Maalinta Xoriyadda Saxaafadda

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email