Somaliland oo Shaacisay qofkii labaad ee u geeriyooday Coronavirus

Soomaaliland: 12 qof ayaa qabta Covid-19 waxaana illaa hada ka bogsootay 3 qof.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa sare u kacyayay xaaladaha Coronavirus ee laga helayay gudaha Soomaaliland ayaa Wasaaradda Caafimaadka Somaliland maanta oo Arbaco ah xaqiijisay qofkii labaad inuu u dhintay cudurka Coronavirus.

Qofka dhintay ayaa ahaa nin da’ ah oo ku nool magaalada Hargeysa, kaasoo la sheegay in aanu meelna dalka uga bixin.

Maalin ka hor ayay aheyd markii Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ay shaacisay in qofkii u horeeyay uu u dhintay cudurkan.

Tirada dadka uu soo ritay cudurkan ayaa gaareysa 12 qof, waxaana illaa hada ka bogsootay 3 qof.

Illaa 311 qof ayaa laga baaray cudurka Coronavirus, sida ay xaqiijisay wasaaradda Caafimaadka Somaliland

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email