Sirdoonka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Turkiga oo soo furtay Haweeney afduub loogu heystay Soomaaliya

Xorriya Online: Haweenaydaan oo lagu magacaabo Silvia Constanca Romano una dhalatay dalka Talyaaniga ayaa shalay xorriyaddeedi dib u heshay.

Silvia Constanca Romano

Gabadhaan 23 jirka ah ayaa sanadkii 2018 waxaa laga soo qafaashay gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayada oo markii dambe dhanka Soomaaliya loola soo gudbay.

Kooxda soo afduubatay oo looga shakisan yahay in ay yihiin Alshabaab ayaa muddo sanad iyo lix bil ku heystay xoog.

Haweyneydaan ayaa si iskaa wax u qabso kula shaqeysay koox ka shaqeysa samafalka iyo bini’aadanimada oo fadhigeedu yahay dalka Talyaaniga.

Raysal wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conti ayaa bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay in la sii daayay Silvia Constanca Romano. Waxiuuna u mahadceliyay Hey’adda Sirdoonka dalkiisa.

Ma uusan sheegin tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan goobta afduubka loogu heystay, qaabka ay u dhacay sii deynteeda hadduu ahaan lahaa howlgal ciidan ama wada hadal iyo cidda ka qeybta qaadatay ama fududeysat sii deynta.

Xorriya.com kala soco warar iyo warbixinno xaqiiq ah

Ilo wareedyo lagu kal soonyahay ayaa warsidaha Xorriya Online u xaqiijiyey in lagu soo furtay howlgal ciidan kaas oo ay fuliyeen sirdoonka Soomaaliya oo ay la socdeen sirdoonka Talyaaniga iyo Turkiga.

Wararka ayaa sheegayo in Silvia Constanca qafaalka lagu heystay meel qiyaastii 30-km u jirta caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Silvia Constanca ayaa hadda ku sugan magaalada Muqdisho iyada oo caafimaad iyo nabad qabto.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email