Shacab gacanta ku dhigay nin doonayay inuu dilo Sarkaal Boolis

Shacab degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa Maanta gacanta ku dhigay dhagar-qabe ka tirsan kooxda  argagixisa Al-shaab oo diyay inuu dilo Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Falkaan ayaa ka dhacay waaxda Actoober ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir Ciidamada amaanka ayaana gacanta ku dhigay dhagar-qabihii .

Guddoomiyaha degmada Hodan Cabdixakiin Dhagajuun oo barta uu ku leeyahay Facebok ku qaray arrintaan ayaa shacabka ku dhiirigaliyay howsha wanaagsan oo ay qabteen Maadaama ay fashiyeen dhagarta uu Maleegayay dhagar-qabaha .

“Waa dhaqan ugub ah in Shacabku soo qabtaan haraadiga kooxda cadowga ee argagixisa Al-shabaab ayaana ka mid ahaa qoraalka bartiisa facebook uu soo dhagay Guddoomiyaha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhagajuun”

Muddooyinkaan waxaa sii xoogeysanayay wada-shaqeynta shacabka iyo laamaha amaanka iyadoo la fishilyay dhibaatooyin badan ay kooxaha Cadawga u maleegayeen bulshada Soomaaliyeed waxaana howsha maanta ay sameeyeen shacabka ay ka dhigantahay sida ay ugu midoobeen ka hortaga iyo gacansiin laamaha amniga si looga hortaga Cadawga qatarta ku ah guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee  Al-shabaab.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email