Safiirkii Soomaaliya ee dalka Masar oo geeriyooday

AUN, Safiir C/qani Maxamed Waceys, ayaa u geeriyooday xanuun mudooyinkii dambe hayay.

Allaha u naxariistee waxaa dalka Kuwait ku geeriyooday Safiirkii dowladda federaalka Soomaaliya u fadhiyay dalka Masar iyo Jaamacadda Carabta C/qani Maxamed Waceys, waxaana safiirka u geeriyooday xanuun mudooyinkii dambe hayay.

Danjiraha ayaa la sheegay in uu u geeriyooday xanuunka macaanka ama sokorta uu mudo badan qabay, waxaana Danjiraha uu ahaa diblumaasi mudo badan usoo shaqeeyay Wasaarada arimaha Dibadda Soomaaliya.

Masuuliyiin iyo dad badan oo aad u yaqaanay danjiraha ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid, waxa ayna ilaah uga baryeen eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday in samir iyo iimaan ilaah ka siiyo.

Danjire C/qani Maxamed Waceys ayaa Wasaarada arimaha Dibadda Soomaaliya kasoo shaqeenayay mudo 50-sano ah, waxa uuna danjire dowlada Soomaaliya uga soo noqday dalal ay ku jiraan Liibiya iyo Masar.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email