Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo sheegtay in Soomaaliya u soo qaadeyso dadka xayiran aan qabin Covid-19

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in dadka Soomaaliyeed ee ku xayiran magaalada Nairobi ee is diiwaan geliyay in dalka dib loogu celiyo in mar dhaw la celinaayo ayna diyaar garoobaan.

“Qof kasta oo safraya waa in uu iska baaraa cudurka COVID-19, kaliya dadka laga waayo cudurkaas ayaa la qaadi doonaa.”—– Safaarada Soomaaliya ee dalka keenya

War ka soo baxay Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ayaa lagu sheegay in Shirkadda Daallo Airline ay u jari doonto Tikityadii ay ku laaban lahaayeen sidoo kalana shirkaddaaani ay la xiriiri doonto dhammaan dadkii is diiwaan geliyay ee heysta baasaboorka Soomaaliya ama degenaanshaha Kenya.

Safaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in qof kasta oo doonayo in uu safro ay qasab tahay inuu iska baara cudurka Covid-19, isla markaana dadka laga waayo cudurkaas la qaadi doono.

“Qof kasta oo safraya waa in uu iska baaraa cudurka COVID-19, kaliya dadka laga waayo cudurkaas ayaa la qaadi doonaa, Sidoo kale dadku waa inay haystaan Tikitka diyaaradda ugu dambayn 17ka May, 2020ka oo ah maalinta ugu dambaysa is-diiwaan gelinta”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa dhowaan soo saartay wargelin ku aadan in dadka ku xayiran magaalada Nairobi ee doonaya in dalka dib ugu laabtaan inay is diiwaan geliyaan, waxaana la soo bandhigay foom la buuxinayo iyo shuruudo la xiriira dadka dib loogu celinayo Soomaaliya.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email