Roob xooggan oo ka da’ay Muqdisho oo sababay dhimasho iyo khasaaro

Muqdisho ayaa waxaa xalay ka da’ay roob saameyn taban ku yeeshay qoysaska dantayar ee kunool xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla Muqdisho iyo duleedkeeda.

Dadkaan waxa ay kunool guryo ka sameysay dhoobo jilcan, Baco, Baakado iyo jawaan, mana awoodaan in ay ka celiyaan kuleelka maalinta iyo qabowga Habeenkii, waxaana usii dheer Roobka Guga oo curtay.

Wadada Wadnaha iyo qeybo ka mid ah wadada Makka Al-mukarrama waxaa buuxsamay ciid ama carro, taasi oo ka timid xaafadaha ku dhow waddoyinkaasi, iyadoo gaadiidka ay ku dhib qabaan marista waddooyinkan

Sidoo kale, xaafadaha degmooyinka qaar ayaa xalay waxaa buux dhaafiyay biyaha roobka, iyadoona la arkayay, iyagoo dadka daabulaya Biyaha roobka.

Inta la xaqiijiyay illaa saddex qof ayaa ku dhintay roobka, halka guryo badana ay burbureen xalay, waxaana xusid mudan in dadka ay ka barakaceen xaafadaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.