Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Amray Guddiga Qaran ee Coronvirus in Labo Shaqo ay Xooga Saaraan

“Waa in aad isku dhinac wadaan dadaallada xakameynta faafitaanka COVID-19 iyo gurmadka loo sameynaayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha.”- Hassan Kheyre

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa guddoomiyay Shirka guddiga qaran ee kahor tagga covid19,kaas oo habeen walba la qabto.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dadaalada loogu jiro ka hortagga Cudurka COVID-19 iyo Gurmadka deegaannada ay saameeyeen daadadka Roobabka iyo fatahaadaha Wabiyada.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Xubnaha Guddiga oo u badan Golihiisa Wasiirada ayaa ku amray in la isku dhinac wado dadaallada xakameynta faafitaanka COVID-19 iyo gurmadka loo sameynayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha ka dhashay wabiyada iyo roobabka

Dalka Soomaaliya ayaa xilligaan waxaa uu wajahayaa xaalado adag oo ka dhashay Cudurka Coronavirus oo Soomaaliya kiisas badan laga helay iyo fatahaadaha ka dhashay wabiyada iyo roobabka Magaalooyinka,Khardho, Baardheere iyo Magaalooyin kale.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email