Dowladda Puntland ayaa diyaarad gaar ah u dalabtay wasiir ka tirsan xukuumadda Puntland oo muddo ku xanuunsanayay magaaladda Garoowe kadib markuu uu dhacay cudurka Covid-19.

Diyaarada ayaa wasiirka ka qaaday garoonka diyaaradaha ee Mohamed Abshir ee Garoowe, waxayna u qaaday magaalada Muqidisho iyadoo la filayo in loo sii gudbiyo wadanka Turkiga si halkaasi loogu dabiibo
Saraakiil ka tirsan wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in Wasiirku uu ka bogsaday cudurka Covid-19 hase yeeshee uu waxyeelo gaarsiiyay sambabadiisa iyo habdhiska neefsashada taasi oo keeni karta inay gebi ahaanba ay shaqada joojiyaan sambabadu haddii uusan helin dhakhaatiir takhakhus u leh
Wasiirka diyaarada khaaska ah looga qaaday Garoowe ayaa ah Wasiirka wasaarada Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Ismaaciil Diirye Gamadiid.