Puntland oo been abuur ku tilmaamtay in dowladda Soomaaliya ay ku deeqday diyaarado gargaar

“Gargaar diyaaradaha ay sideyn waxa uu inoogu yimid dhanka Hey’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR.” Wasiir Dhabancad

Codsi ka yimid Puntland oo ahaa in gargaar bani’aadanimo lala gaaro walaalaha ay dhibaatada ka soo gaartay fatahaadii magaalada qardho ayaa waxaa durba isa soo taray warar sheegayo in dowladda dhexe ee Soomaaliy ay diyaarado gargaar siday ay shalay ka dajisay magaalada garoowe.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancad ayaa beeniyay saddex diyaaradood oo maanta ka degay magaalada Garowe, kana yimid magaalada Muqdisho ay soo dirtay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Dhabancad ayaa sheegay in gargaarkan uu uga yimid dhanka Hey’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR.

Hadalka Wasiirka ayaa ka dambeeyay markii wafdi Wasiiro oo ka socday dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayay Wasiir Jamaal Maxamed Xasan oo markii ay ka dageen Garowe ayaa sheegay in deeqdan ay soo dirtay dowladda Soomaaliya, kuwa kalena ay soo wado.

Arrintan ayaa durba dhalisay doodo kala duwan, marka loo eego sheegashada dowladda Federaalka ee gargaarkaas iyo beeninta Puntland.

Hase ahaatee agabyada qaar ee laga dejiyay oo isugu jiray teendhooyin, qalab daawo iyo agabyo kale waxaa ka muuqday astaanta Hey’adda UNHCR.

Dowladda Federaalka ayaa dhowaan sheegtay in hal milyan oo dollar ay ugu deeqday Puntland gurmadka daadadkii ku fatahay magaalada Qardho ee sababay khasaaraha naf iyo maalka ah, waxaana magaalada ku sugan Madaxweynaha Puntland oo ka qeyb qaadanaya gurmadka dadka ay dhibaatada ka soo gaareen daadadkaas.