Muwaadin Soomaaliyeed oo Koonfur Afrika ugu geeriyooday xanuunka Coronavirus

Alle ha u Naxariistee waxaa Magaladda Cape town ee dalka Koonfur Afrika Cudurka Coronavirus ugu geeriyooday Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Nabadoon Ibraahim, oo kamid ahaa Odayaasha ugu caansan Soomaalida.

Muwaadinka Soomaaliyeed waxaa la sheegay in todobaadyadii la soo dhaafay uu Cudurka COVID-19 uu la jiifay isbitaal ku yaalla Magaalada Capetown,hayeeshee ugu dambeyn uu xalay u geeriyooday.

Mid kamid ah Soomaalida ku nool Wadanka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu sheegay in Allaha u Naxariistee Marxuum Ibraahim uu noqonayo Soomaaligii Shanaad ee ugu geeriyooda COVID19 dalka Koonfur Afrika gaar ahaan Magaladda Cape town.

Nabadoon ibraahim ayaa kamid ahaa Odayaasha dhaqanka ugu Caansan XaafadaBellville oo uu muddo badna ku noolaa,waxaana la filayaa in Maanta oo jimce ah lagu Aaso Xaafadaas,iyada oo ay ka qeyb-geli doonaan qaar kamid ah Soomaalida ku nool dalkaasi Koonfur Afrika.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu kamid yahay dalalka laga helay Cudurka Coronavirus dad badan oo dalkaasi u dhashayna ay u geeriyoodeen, waxaana muwaadinkaan Soomaaliyeed uu noqonayaa Soomaaligii Shanaad ee Cudurka COVID-19 ugu geeriyooda Koonfur Afrika.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email