Musharax madaxweyne Daahir Geelle oo dhaliilay ka gaabinta dowladda dacwada badda

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ahna musharax Madaxweyne 2021 Daahir Maxamuud Geele, ayaa si kulul uga hadlay Dacwadda Muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya u dhaxeeya ee Saddexda jeer Maxkamadda ICJ ay dib u dhigtay qaadista kiiskaas.

Qoraal dheer oo uu soo saaray ayuu ku caddeeyey in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo aysan jirin wax tallaabo ah oo ay u qaaday arrimaha la xiriira dacwadda baddeenna ay Kenya nagu haysato.

Musharax Geelle ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo ay Shacabka Soomaaliyeed ka sugayaan in uu u caddeeyo xaqiiqda qaddiyadda badda maadaama Saddexda jeer la tixgeliyay Codsiga Kenya ee dib u dhigista dhageysiga Kiiska Badda.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka Daahir Geelle:-

“Dowladdu waxay sheegeysay in ay diiddan tahay dib u dhigistaas dacwada badda, mase jirin wax caddeynaya in ay diiddan tahay.”—— Dahir Maxamuud Geelle

Dowladdu waxay caayeysaa garaadka dadkeenna. 3 jeer ayaa dib loo dhigay dacwadda baddeenna ay Kenya nagu haysato.

Si kale haddii loo dhigo, ma jirto hal tallaabo oo horay loo qaaday oo arrintaas la xiriirta tan iyo intii ay dowladda jirtaahi talada qabatay.

Taas baddelkeeda waxaa loo nuglaaday Kenya oo mar walba rabitaankeeda la tixgelinayay.

Saddexda jeer ee dacwadda dib loo dhigay waxay ku dhacday codsiga Kenya.

Dowladdu waxay sheegeysay in ay diiddan tahay dib u dhigistaas, mase jirin wax caddeynaya in ay diiddan tahay.

Daah furnaanta arrintani aad ayay u yarayd walina u yar tahay waxaana ku gedaaman shaki iyo mugdi badan.

Waxaa muuqata in xukuumaddu arrinta badda u adeegsatay dicaayad iyo in ay isu muujiso in ay shaqo fiican hayso, balse wax kasta oo ay sameysay waxay dhalinayaan shaki weyn.

Dadkii faylkan gacanta ku hayay waa la kala diray sida Xeer Ilaaliyihii guud iyo qareennadii Soomaaliyeed ee kartida lahaa. Bulshada lalama wadaagin dadkii lagu baddelay, ka qeyb galkii bulshada rayidka ah iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed waa la joojiyay, mana jirto xog shacabka lala wadaagay oo ku saabsan kiiskan.

Shacabka Soomaaliyeed waa ka garaad badan yahay in loo been guuro oo hadba loo sheego sheeko darfo go’an.

Qaddiyadda baddu way ka weyn tahay wax ay madaxdu isku koobaan. Waa masiir ummadeed oo ay shacabka oo dhami u dheg taagayaan.

Mudane Madaxweyne, Dadka Soomaaliyeed waxay kaa filayaan dhiirranaan iyo daahfurnaan intaan ka badan iyo in aad u caddeyso xaqiiqda qaddiyadda badda.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email