Midowga Yurub ayaa lacag lagula dagaalamo xanuunka COVID-19 ugu deeqay Soomaaliya

Ururka Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in dalal ay ku jirto Soomaaliya uu ugu deeqayo lacag badan, si ay ula dagaalamaan Covid-19.

Midowga Yurub ayaa wadamada dhaca Geeska Afrika oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay siinayo dhaqaalle dhan € 105.5 milyan oo dheeri ah.

Ilo wareedyo sugan oo laga helaayo ururka ayaa sheegaya in ururka uu qorsheenayo in wadamada dhaca Geeska Afrika oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay uu siinayo dhaqaalle dhan  € 105.5 milyan oo dheeri ah.

Sidoo kale Midowga Yurub ayaa sheegay in lacagtaasi wax looga qaban doono xaaladaha bani’aadanimo ee gobolka, gaar ahaan la-tacaalida cudurka Coronavirus.

“Midowga Yurub waxaa ka go’an inuu gacan ka geysto wax ka qabashada baahiyaha bini’aadannimo ee ka jira dalalka Geeska Afrika,Gargaarka Midowga Yurub wuxuu taageeri doonaa bulshada dhibaateysan, wuxuuna xoojin doonaa tillaabooyin looga hortagayo faafitaanka coronavirus” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Midowga Yurub.

Warsaxaafadeedkaan ayaa sidoo kale waxaa lagu shaaciyey sida wadamadaasi loogu qeybinaayo lacagta, waxaana Jabuuti ay heleysaa adduun lacageed dhan (€500,000 oo Yuuro), Ethiopia (€42 million oo Yuuro), Kenya (€15 million oo Yuuro) iyo Soomaaliya oo ah dalka labaad ee dhaqaalaha ugu badan gaarayo waxaana qayb ahaan kusoo aaday (€48 million oo Yuuro).

Dalka Soomaaliya oo iminka dhibaato ba’an waxaa ku haya xanuunka safmareenka ah ee Coronavirus iyadoo wali aya u sii dheer fatahaadaha ka jira qeybo ka mid ah dalka, kuwaas oo saameeyey nolosha dad badan oo Soomaaliyeed.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email