Maxkamada dil ku xukuntay labo nin oo loo heysto dilka taliyihii ciidamada Gorgor

Maxkamadda milatariga Soomaaliya ayaa dil ku xukuntay laba nin oo lagu helay inay ka dambeeyeen dilkii taliyihii ciidamada Gorgor Dhamme Maxamed Suleymaan Abuukar iyo mid ka mid ah ilaaladiisa oo ka dhacay Muqdisho 19-kii October 2019.

Eedeysanayaal Xasan Shuute Cismaan iyo Juule Gaabow Ibraahim.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur  ayaaa sheegay in xukun dil toogasho lagu riday dable xoogga Xasan Shuute Cismaan iyo Dable Boolis Juule Gaabow Ibraahim oo ah qisaasta Maxaadeey Saleebaan iyo Askarigii illaalada u ahaa ee la socday,  halka labada kale lagu xukumay min 5 sano oo xabi ciidan ah.

Xeer Ilaalinta Maxkamadda ciidamada qalabka sida  ayaa go’aamisay in dilka Taliyihii hore ee Gorgor uu ahaa mid ku tala gal ah, iyadoo la soo bandhigay afartii qori ee Ilaalada heysteen iyo fooqa rasaasta lagu dilay Marxuumka iyo caddeymo kale.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sheegtay ciddii aan ku qanacsaneyn xukunkaasi inay u furan tahay qaadashada Racfaan.