Mareykanka oo duqeeyey qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in shalay gelinkii dambe duqeyn laga fuliyay, iyadoo lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa ka dhacday deegaanka Kuunyo-Barow, waxaana lagu dilay labo ka tirsan Al-Shabaab, sida ay shaacisay Wakaalada wararka SONNA.

Sidoo kale wakaaladda SONNA ayaa qortay in howlgalkaas ay iska kaashadeen Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka.

Duqeyntan ayaa ah tii u horeysay ee bishan Ramadan uu Mareykanka fuliyo, iyadoo bilihii la soo dhaafay uu duqeymo is-daba joog ah ka waday Soomaaliya.

Mareykanka ayaa horay duqeymo uga fuliyay Soomaaliya, waxaana dhowaan uu qirtay in qaar ka mid ah duqeymahaas dad rayid ah ku dhinteen.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email