Madaxweyne Waare oo xaalada Beledweyne kala hadlay golihiisa wasiirada

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Beledweyne kula kulmay, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Hir-Shabelle iyagoo ka wada wad hadlay xaaladda Fatahaada Beledweyne, iyo howlaha socda ee Dadka looga samatabixinayo Dhibaatada Biya baxada.

Kulanka aad looga hadlay sida muhiimka ay u tahay hirgalinta barnaamijka xalka waara Ee Beledweyne looga leexinayo Biyaha mar walbo ku fataha,isla markaana dadka Magaaladaasi waxyeelada u geysta.

Waare iyo Golihiisa Wasiirada ayaa waxaa ay qorsheeyeen in dhowaan la fuliyo mashaariic wax gal ah oo biyaha looga leexinayo Magaalada Beledweyne, sidoo kalena lagu dhiiqa bixinayo Wabiga Shabelle, iyo dhisida Garoonka Diyaaradaha Beledweyne ee Ugaas Khaliif.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa ka dalbaday Golihiisa Wasiirada inay dardar geliyaan howlaha Bulshada ay u hayaan iyo go’aanada ay ku gaareen kulanka uu kula qaatay Magaalada Beledweyne.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email