Madaxweyne Waare oo magacaabay guddi baara xasuuqii dhalinyaro ee Gololey

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay falkii foosha xumaa dil wadareedkii loogu geystay shaqaale caafimaad oo ka shaqeynayay deegaanka Gololey.

“Waxaan ka xunahay dhacdada ugubka ah ee ka dhacday Gololey.”— Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare

Madaxweyne Waare ayaa guud ahaan ehelka qaraabada iyo qoska ay ka baxeen dhalinyaradaas uga tacsiyadeeyay geerida ku timid wiilasha xaqdarro loo dilay waxa uuna allah uga baryay jannatul fardowsa.

“Waxaan ka xunahay dhacdada ugubka ah ee ka dhacday Gololey oo lagu Samafalayaal waxaana aan ka codsanayaa ehelada dadkii la diley inay Alle talo saartaan kana war sugaan guddiga aan u magacaabay baaristaan dhacdadan.”ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Guddiga loo saaray arrinta ka dhacday Gololey ayaa isugu jira guddi heer wasiir ah oo ay ka mid yihiin wasiirada Arrimaha Gudaha,Amniga,Caddaalada,Madaxtooyada sidoo kale waxaa guddigan ka mid ah guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe iyo xildhibaan ka soo jeeda deegaanka Gololey oo ka mid ah Baarlamaanka Hirshabelle.

Halkaan hoose ka aqriso Wareegtada magacaabista Guddiga;-

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email