Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo kasoo horjeestay xil ka qaadis iyo magacaabis uu sameeyay madaxweyne Deni

Madaxweyne kuxigeenka maamul goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan, Axmed Karaash ayaa ka horyimid wasiiro iyo wasiiro ku xigeenno cusub oo uu xalay magacaabay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Axmed Karaash ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in aan la tashi lagala samayn magacaabidda wasiirada iyo wasiir kuxigeennada cusub sidaas darteedna ay baal marsantahay Dastuurka iyo shuruucda u degsan Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa qoraalka ku beeniyay in lagala tashaday magacaabida wasiirada iyo wasiir ku xigeenada cusub ee uu Madaxweynuhu magacaabay.

Khilaafka ka dhex jira Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Siciid Deni iyo Axmed Karaash ayaa sii xoogeysanaya iyadoo dhowaan uu ka soo horjeestay madaxweyne kuxigeenka Puntland taliye ku xigeen loo magacaabay Madaxtooyada Puntland.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email