Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay Agaasimaha cusub ee Habmaamuuska Madaxtooyada Qaranka Soomaaliya.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa xilka Agaasimaha Hab-maamuuska Madaxtooyada Qaranka loogu magacaabay inuu noqdo Yuusuf Xasan Salan.
Yuusuf waxa uu hore u ahaa Agaasime ku xigeenka habmaamuuska Madaxtooyada, taas oo dhaxalsiisay in uu kasbado khibrad shaqo oo xoog leh.