Madaxweyne Deni oo si kulul uga hadlay qaraxa lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Mudug

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Puntland ayaa waxaa looga hadlay qarixii ismiidaaminta ahaa ee Maanta lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Mudug ee Puntland,kaas oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya macagaca Xukuumadda iyo kan Shacabka Puntland, waxa uu ka tacsiyaynayaa Geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii gobolka Mudug Marxuum Axmed Muuse Nuur oo cadawga ummadda Soomaliyeed si gaadmo ismiidaamin ah ugu dileen maanta Gaalkacayo, isagoo Guddoomiyuhu ku guda jiray gudashada waajibaadkiisa shaqo ee uu u hayo shacabkiisa.

Madaxweyne Deni waxa uu tiiraanyada Geeridaasi la qaybsanayaa shacabka Puntland, gaar ahaan eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay Guddoomiye Axmed Muuse Nuur, waxaana uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, ehelkiisii iyo qaraabadiisiiba.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu si kulul u cambaaraynayaa falkaasi lala beegsaday Xarunta Guddoomiyaha Gobolka Mudug, waxa uu Madaxweynuhu Alle “SWC” uga baryayaa Askartii ku shahiiday weerarkaasi argagixiso in alle Janadii geeyo intii ku dhaawacantay inuu u boogadhayo, waxaana uu Madaxweynuhu bogaadiyey ka hortagga deg degga ah ee ay ciidamada Puntland kaga hortageen cadawga gabood falkaasi la damacsanaa shacabka iyo masuuliyiinka waajibaadkooda shaqo gudanaayey.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email