Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 42 ee May 14, 2020 ku magacaabay Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenka ciidamada madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni
Madaxweynaha Maamulka Puntland,
Markuu arkay : Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80aad.
Markuu arkay: Dadaalkooda iyo Kartidooda Ciidanimo oo ay muujiyeen.
Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in isbedel lagu sameeyo Taliska Ciidanka.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa G/Sare Cusmaan Cumar Maxamed loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada,kadib markii dhawaan uu is casilay Taliyihii Ciidanka Madaxtooyada.
2. Waxaa G/Sare Cabdirisaaq Axmed Cali loo magacaabay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Madaxtooyada.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa Markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.