Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in kooxda Alshabaab loo adeegsanayo burburinta Puntland

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Puntland ay  qabto tuhun ku aadan in Al-Shabaab ay adeegsanayaan gacmo doonaya in ay burburiyaan hanaanka dowladnimadda maamulka Puntland.

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni

Madaxweyne Deni waxaa uu walaac ka muujiyay dilkii AlShabaab ay u geysteen gudoomiyeyaasha, Nugaal iyo Mudug. Waxaana uu sheegay in ay qabaan tuhuno ku aadan in ay jiraan dad adeegsanaya Al-Shabaab.

Waxaa uu tusaale u soo qaatay warar ay horay u qoreen qaar ka mid ah warbaahinta caalamka ee loolanka dalalka Carabta qaarkood ay ku jiraan Soomaaliya in ay qeyb ka noqon karto adeegsiga Alshabaab.

“Tuhun badan ayaa qabnaa oo ku aadan in Al-Shabaab ay noqdeen gacmo la iska adeegsado,gacmo kale iyo dano ayaa loo adeegsanaya sidda horay Jariidaha caalamka u sheegeen in muddo ka yar labo bilood la beegsado labo Gudoomiye gobol oo Puntland ah tuhun ayaan ka qabnaa baaritaanana waan wadnaa” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Muddo ka yar 2 bilood ayaa qaraxyo ismiidaamin ah lagu dilay gudoomiyeyaasha gobolada Mudug iyo Nugaal, waxaana mas’uuliyada dilka sheegtay kooxda Al-Shabaab.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email